1: waa maxay suuq-geynta digitalka ah sideese ayey uga duwantahay suuq-geynta dhaqameed/caadiga ah?
2: waa maxay hababka ugu waxtarka badan ee suuq-geynta digitalka si loo kobciyo ganacsiga?
3: sidee suuq-geynta digitalka ah u caawisaa in ganacsi cusubi u bilaabmo guul?
4: immisa nooc oo suuq-geynta digitalka ah baa jira,sideese mid waliba u shaqeeyaa?
5: sidee qof caadi ah ku bilaabi karaa suuq-geynta digitalka ah isaga oo aan khibrad lahayn?
Hordhac…..
Dunidan casriga ah, suuq-geynta ayaa noqotay aalad muhiim u ah ganacsiyada waaweyn iyo kuwa yaryarba.qof walba oo doonaya inuu ku guulaysto ganacsiga internet-ka ,ama uu kobciyo xirfadiisa suuq-geynta, waxa lagama-maarmaan ah inuu fahmo sida saxda ah ee suuq-geynta digital-ka ahi u shaqeeyo .
Suuq-geyntani/tan digital-ka ahi waxay ka duwantahay hababka dhaqameed ee suuq-geynta lagu yiqiiney , waxaana ay siisaa ganacsatada fursad ay si toos ah u gaadhaan macaamiishooda iyaga oo adeegsanaya aaladaha casriga ah .
Qormadeenan waxaynu kaga warrami doona weydiimaha ugu waawayn ee ay dadku iska waydiiyaan digital marketing-ka taas oo ay ku jiraan faaidoyinka noocyadeda kala duwan ,iyo sida ugu fudud misena qof kastaa ku bilaabi karo.
waa maxay digital marketing/suuq-geynta digitalka ah?
Suuq-geynta digital-ka ahi waa hab ka loo adeegsado aaladaha internet-ka iyo teknolojiyda casriga ah isla-mar ahaantaana si loo xayeysiiyo loona kobciyo ganacsiyada.
Waxay ku lug leedahay adeegsiga shabakadaha bulshada sida:-
Baraha bulshada , mareegaha email-ka, qalabka raadinta/google, si loo gaadho macaamiisha bartilmaameedka kuu ah.
Halkii laga adeegsan lahaa hababka dhaqameed sida:-
daabacaadda joornaalada, wargeysyada radio ama television-ka.
Suuq-geynta digital-ka ah waxay ku salaysan tahay isku-xidhka tooska ah ee macaamiisha iyaga oo adeegsanayan qalab-ka ay sida joogtada ah ugu xidhanyihiin ,sida taleefanada/telephones, iyo computers-ka casriga ah.
Suuq-geynta digital ka ahi waxay bixisaa fursado badan oo ganacsi yar iyo weyn ah ay ka heli karaan macaamiil cusub, korna u qaadi karaaan wacyigooda suuqa, iyaga oo isla mar-ahaantaana xakamaynaya kharashaaadka xayaysiinta/advertising expenses.
Qaababka loo sameeyo digital marketing-ka
Qaababka loo sameeyaa waa kuwo kala duwan oo ku qotoma qorsheyaal iyo tabab kala duwan oo lagu gaarsiinayo macaamiisha badeecado ama adeegyo si loo kordhiyo iibka ama wacyiga sumadda.
waa kuwan qaar kamid ah hababka ugu muhiimsan ee loo sameeyo digital marketing-ka:-
1:SEO{search engine optimization} natiijada motooradda raadinta
SEO: waa habka lagu hagaajiyo boggaaga si uu uga soo muuqdo bogagga hore ee natiijooyinka raadinta sida google:
- Samaynta keywords fureyaasha saxda ah ee ku jira maqaalada
- Hagaajinta bogga si uu u noqdo mid si dhaqso ah kusoo baxa.
- Adeegsiga xiriiriyo gudaha iyo dibadda {internal & external links}.
- Qorista content tayadiisu sareyso.
content marketing/suuq-geyn mawduuc
content marketing: waa qorista ito faafinta qorraalo qiimo leh, muuqaallo iyo qormooyin tayo leh, si aad macaamiisha usiiso wax faaido leh oo ku saabsan alaabta ama adeegyada aad soo bandhigayso, waxa loo isticmaala:-
- Blog posts
- Video content
- InfographicS
- Ebook ama guide
social media marketing/suuq-geynta baraha bulshada
Isticmaalka baraha bulshada sida Facebook, Instagram, Twitter, IYO Linkedin, si aad u gaarsiiso farriintaada dhagaystayaasha.waxaad ku samayn kartaa:-
- post si aad ula wadaagto updates-ka shirkadda.
- Xayaysiis lacag bixin leh {paid ads} .
- Ka qayb galka doodaha si aad u dhisto xiriirka macaamiishaada.
Email marketing/ku suuq geyn email
Waa hab aad u dirto farriimo email ah macaamiisha si joogto ah, taas oo kaa caawineysa inaad la xiriirto macaamiishaada.
waxad kale oo samayn kartaa:-
- Dirista wargeysyo {newsletters}.
- Dalabyo gaar ah diris.
- Xasuusinta macaamiisha alaabaha ama adeegyada cusub.
5.paid advertisin{ppc-pay per click}
Xayaysiiska lacag bixin leh sida Google ads iyo Facebook ads wxay ku siinyaan fursad aad ku muujin karto xayaysiisyadada markii macaamiishu raadiyaan waxyaabo la xidhiidha alaabtaada.
waxaad bixinaysaa marka qof gujiyo xayaysiiskaaga.
Affiliate marketing/dillaal
Waa habka loo isticmaalo dadka kale si ay u xayaysiiyaan badeecooyinkaaga
markii qof affiliater ahi keeno iib , waxaad siisaa gunno.
(Tan ayaana ah habka ugu fiican ee aad dakhli dheeri ah ku samayn kartid gaadhi kara 50k$ bishii ka yaraan kara korna udhaafi kara, waana ta dad badani oo dunidan dacaladeeda joogaa ay kaga dheefeen internetka gaar ahaan affiliate marketing-ka.)
Influencer marketing/suuq-geynta dadka caankaa
Waa inaad isticmaashaa saameeyayaasha/dadka caan ka ah si ay uga hadlaan badeecooyinkaaga ama adeegyadaada.
Waxaad heshiis la geli kartaa dadka leh taageerayaal badan oo ku saabsan niche kaaga.
mobile marketing/ku suuq-geyn mobil
Waxa loo adeegsan karaa xayaysiisyada taleefannada gacanta iyo barnaamijyada sida SMS , apps mobile ah, iyo xayaysiisyada ku dhex jira barnaamijyada.
video marketing/ku suuq-geyn muuqaal
Isticmaalka muuqaallo si loo soo jiito macaamiil.
waxa lagu samayn karaa YOUTUBE, TIKTOK ama INSTGRAM si aad ugu faafiso muuqaallo gaaban ama dheer oo badeecadada la xidhiidha.
gunaanad
Markaad isku darsato dhamaan qaababkaas ,waxa aad heli kartaa xeelad digital marketing oo xoog badan oo kaa caawinaysa kobcinta ganacsigaaga.